Hay’ad codsatay in baaritaan lagu sameeyo weerar ay isreal ku dishay shaqaale ka tirsan

Image
Hay'adda ayaa dalalka Caalamka ugu baaqday in cadaadis la saaro Isreal

Qasa (GO) - Hay'adda gargaarka ee World Central Kitchen ayaa ku baaqday in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkii Israa'iil ay ku dishay 7 ka mid ah shaqaalaheeda horraantii toddobaadkan.

Hay'adda ayaa bayaan ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in ay ugu baaqayso dowladaha Australia, Canada, Mareykanka, Poland iyo Britain in ay ku biiraan si ay u dalbadaan baaritaan madax banaan oo dhinac saddexaad ah oo lagu sameeyo weerarka Israel.

Waxa ay sheegtay in weerarka Israel oo dhacay habeenkii Isniinta ee la soo dhaafay, uu ka koobna dhowr duqeyn oo lala beegsaday 3 baabuur oo ay saarnaayeen dad rayid ah.

Waxay ku tiri hadal ay soo saartay, "Waxaan dalbanaynaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkan oo ay Israa'iil ku dishay 7 ka mid ah shaqaalaheenna ka howlgala Qasa."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM