Hay'adda WFP oo hakisay gargaarkii ay gaarsiin jirtey marinka Gaza

Image
Hakintan ayaa ka dambeysay kadib markii Yahuuda ay la beegsadeen duqeymo xooggan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cindy McCain, oo ah agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), ayaa sheegtay in qaybinta gargaarka ee loo marayo marinka uu Maraykanku ka dhisay Qaza "la hakiyay".

Go'aankan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka gadaal markii welwelka laga qabo bad-qabka gargaarka iyada oo lagu jiro weerarradii ugu dambeeyay ee Israel ku hayso Gaza.

McCain ayaa faallooyinkeeda sheegtay ka dib markii wax laga waydiiyay hawlgallada ka socda godka mar ay waraysi siisay telefishanka Maraykanka ee CBS.

"Hadda, waan hakinay," ayay ku tiri barnaamijka Face the Nation, iyadoo intaas ku dartay in laba ka mid ah bakhaarrada WFP ay sidoo kale ku dhaceen gantaallo hal qofna uu ku dhaawacmay.

"Waxaan ka walaacsanahay badbaadada dadkeena. Dib ayaanu u soo laabanay wakhtigan… si aan u hubinno in aanu ku suganahay shuruudo nabdoon iyo dhul nabdoon ka hor inta aanan dib u bilaabin," ayay xustey.

McCain ayaa hadalkeeda waxa ay kusoo gabagabeysay: "Laakiin dalka intiisa kale wuu shaqeeyaa. Waxaan sameyneynaa wax walba oo aan awoodno waqooyiga iyo koonfurta."

McCain ma aysan sheegin goorta laga yaabo in howlgallada ay dib uga bilowdaan godka, kaasoo la dhameeyay bartamihii bishii May, balse ay waxyeello kasoo gaartay duufaan, taasoo la micno ah in howgallada la hakiyay laba toddobaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM