Hindiya: Caro ka dhalatay Muslimiin la weeraray iyagoo tukanaya Taraawiix

Image
Hindiya ayaa ku suntan dal ay ku badan tagay naceybka ka dhanka ah Diinta Islaamka iyo Muslimiinta.

NEW DELHI, India — Ugu yaraan afar arday oo ajaaniib ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii koox xagjir ah oo Hinduus ah ay weerar ku qaadeen hool jaamacadeed oo ku yaala gobolka Gujarat ee galbeedka Hindiya.

Xilliga falku dhacayay waxay arday ku tukanayay salaada Taraawiixda bisha barakeysan ee Ramadaan, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa Axaddii ballan qaaday inay qaadi doonto "tallaabo adag oo ka dhan ah dembiilayaasha", iyadoo booliiska maxalliga ah ee gobolka uu ka soo jeedo Ra'iisul Wasaare Narendra Modi uu sheegay inuu socdo baaritaan la xiriira weerarkii Jaamacadda Gujarat.

Ardaydan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in koox yar ay habeenimadii Sabtida isugu soo baxeen gudaha dhismaha hoyga wiilasha oo ay ku tukanayeen salaadda Taraawiixda maadaama uusan jirin masjid ku yaal dhismaha jaamacadda oo xaruntiisu tahay magaalada Ahmedabad.

Wax yar ka dib, koox ku hubeysan ulo iyo mindiyo ayaa gudaha u galay hotelka, iyaga oo weeraray oo burburiyay qolalkii ay deganaayeen, sida ay sheegeen.

Hindiya ayaa ku suntan dal ay ku badan tagay naceybka ka dhanka ah Diinta Islaamka iyo Muslimiinta, waxaana si joogto ah looga soo wariyaa falal Islaam naceybnimo ah iyadda oo dowladda ay ku fashilantay in ay la tacaasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM