Hindiya oo looga doodayo in saacadaha shaqada laga dhigo 70 Saacadood asbuucii

Image

DELHI (GO) - Xili dalal badan oo caalamka ah ay u socdaan in maalmaha shaqda laga dhigo todobaadkii afar maalmood, Hindiya ayaa waxaa ka taagan dood kulul, oo cinwaankeedu yahay "Tirada saacadaha shaqada ee toddobaadkii" oo ay tahay in la qaato.

Dadka u dhashay dalkaas ayaa u kala qeybsan laba garab, qaar waxa ay aaminsan yihiin in lagu socdo sida ay hadda tahay 47 saacadood asbuucii, halka qaarka kale ay codsanayaan in tirada saacadaha shaqada la gaarsiiyo 70 saacadood asbuucii.

Murankan ayaa bilawday dhammaadkii Oktoobar 2023, markii bilyaneer Hindi ah oo lagu magacaabo Narayana Murthy uu ku dhawaaqay in wax soo saarka shaqaalaha Hindiya uu ka mid yahay kuwa ugu hooseeya adduunka, isagoo ugu baaqay dhalinyarada in ay shaqeeyaan 70 saacadood todobaadkii.

In kasta oo in ka badan 15 maalmood ay ka soo wareegtay hadalka Murthy, haddana muranka ka dhashay ayaa weli ka socda Hindiya, tiro ganacsato ah ayaa taageeray soo jeedintiisa, iyaga oo tixgelinaya in isku dheelitirka shaqada iyo nolosha ay tahay aragti ka timid reer galbeedka.

Kooxdaan ayaa aaminsan in kordhinta saacadaha shaqada ay ka caawin doonto Hindiya inay gaarto isku filnaasho dhaqaale.

Dhanka kale, garabka diidan fikradda kordhinta tirada saacadaha shaqada ayaa miciinsatay Baraha Bulshada si ay u muujiyaan inaysan ku qanacsanayn faallooyinka bilyaneerka Narayana Murthy.

Codsiga ah in dhalinyarada ay shaqeeyaan 12 saacadood maalintii, 6 maalmood asbuucii, ayaa lagu tilmaamay in uu keeni karo dhimashada shaqaalaha sida ay ku doodayaan garabka 2-aad, ujeeddaduna tahay oo kaliya in jeebabka bilyaneerada lacag lagu buuxiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM