Hindiya oo saddex qof u xirtay dilka Soomaali 51-jir ahaa
NEW DEHLI, India - Booliska dalka Hindiya ayaa Talaadadii shalay waxay xireen saddex ruux kuwaasoo lagu tuhunsan yahay in ay dileen Soomaali 51-sano jir ahaa, sida ay ku warantay warfidiyeenka maxaliga ah.
Falka khaarijinta ayaa, sida ay warisay majalada The Times of India, wuxuu Isniintii asbuucan uu ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Indira Gandhi ee magaaladda caasimadda ah ee New Dehli.
Sida ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay taliska booliska iyo mas'uuliyiinta madaarka diyaaradaha, marxuumka oo sidoo kale haysta dhalashadda Kenya waxaa lagu magacaabaa Jaamac Saciid Faarax.
Jariiradda TheHindu oo soo xiganeysa sarkaal boolis ayaa intaas ku dartay in magacyada shaqsiyaadka loo xiray dilka ay kala yihiin; Virender Singh, 33-jir, Gopal Singh, 34-jir, iyo Dilbagh alias Billu, 35-jir.
Singh waa darawal taksi, halka labadda kale ay saaxiibadiis yihiin. Taksiilaha iyo marxuum Faarax ayaa lagu waramay in ay ku murmeen lacagta gaariga halkaasna uu ka dhashay gacan ka hadal daran.
"Eedeysaneyaasha waxay u sheegeen booliska in Faarax kula heshiiyeen RS600 [$8.20 doolar], balse uu isaguna bixiyey markii la keenay goobti uu rabay RS 100 [$1.25 doolar]; halkaasna waxaa ka dhashay gacan ka hadal sababay in uu geeriyoodo musaafirka," ayay The Times of India daabacdey iyaddoo soo xiganeysa wareysi lala yeeshay saddex shaqsi.
Eedeysaneyaasha ayaa kadib dilka waxay meydka Faarax ku tuureen meel u dhow hotel, halkaasoo booliska ay ka heleen kadib markii ay wargelin ka heleen telefoonka shacabka iyo kan madaarka Indira Gandhi.
Iyaga oo adeegsanaya baasaboorkiisa, booliska ayaa aqoonsaday marxuumka, waxaana ay la xiriireen gabdhiisa Jena oo xustey in aabaheed uu laba asbuuc kahor u tagay India xaalad caafimaad oo wadnaha ah.
Faarax oo Hindiya uga soo socdaalay Dubai, Imaaraadka ayaa maalintaas wuxuu kusoo wajahnaa dalkiisa hooyo ee Soomaaliya balse waxaa ka baajiyey safarka xayiraad ay kusoo rogtay waaxda socdaalka.
Virender Singh oo lagu soo qabtey howlgal ay booliska ku beegsadeen gurigiisa ku yaala xaafadda Rangpuri ee magaalada New Dehli iyo saaxiibadiis ayaa la filayaa in ay maxkamad kasoo muuqdaan todobaadkan.
GAROWE ONLINE