Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senetka Maraykanka oo dhaleeceeyay xukuumadda Israa’iil

Image
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo dhaweeyay hadalkan.

Washington (GO) - Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senetka Dimuqraadiga Chuck Schumer ayaa khudbad uu jeediyay Khamiistii ku baaqay in doorasho cusub ay ka dhacdo Israa’iil, wuxuuna si kulul u dhaliilay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo uu ku tilmaamay inuu caqabad ku yahay nabadda.

Schumer ayaa intaa ku daray in diidmada Israa’iil ee xalka labada dal ay tahay khalad weyn, waxa uu sidoo kale taageeray xabbad-joojin ku meel gaar ah, wuxuuna ku baaqay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo Qasa

“Haddii xukuumadda Netanyahu ay sii wado gacan ku haynta Qasa dagaalka ka dib, Maraykanka waa in uu si wax ku ool ah uga shaqeyo sidii nabad buuxda looga gaari lahaa bariga dhaxe”. ayuu raaciyay Schumer.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Schumer uu jeediyay khudbad wanaagsan oo uu ku muujiyay walaac xooggan, taasi oo ay wadaagaan tiro badan oo Mareykan ah.

GROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM