Hogaamiyaha Daacish oo muuqaal kasoo muuqday sanado kadib

Image
Image
Image
Image

WASHINGTON, United State – Abuu Bakar Al-Baqdaadi, hogaamiyaha kooxda la magac baxday dowlada Islaamka ama Daacish ayaa kasoo muuqday muuqaal ay baahisay warbaahinta kooxdaasi.

Muuqaalka Al-Baqdaadi oo ciwaan looga digay "Fariin ka timid hogaamiyaha dowlada Islaamka" ayaa socday 14 daqiiqo xili ay dhinacyadiisa fadhiyeen shaqsiyaad kale oo wajigooda la deday.

Al-Baghdadi, oo hareerahiisa ay yaaleen qoryo, ayaa hadal-jeedintiisa diirada ku saarey weerarkii ay ka fuliyeen Sri Lanka, isaga oo amaaney raggii geystay.

"Waxa uu aargoosi u ahaa [dagaalamayaasha] naga xiran," ayuu hadalkiisa ku daray Abu Bakr al-Baghdadi, sida ku cad muuqaalka.

Mar uu soo qaaday dagaalada uga furan Suuriya ayuu hoosta ka xariiqay in uu sii socon doono, isaga oo xusay "in aan marnaba dhinacooda dhulka la dhigi doono".

Gabagabadii, Abuu Bakar Al-Baqdaadi, ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay dagaal kula jirto wadanka Mareykanka iyo Caalamka, ayna sii wadeyso.

Waa markii ugu horeysay oo Al-Baqdaadi muuqaal lagu arko tan iyo bishii April sanadku markuu ahaa 2014-kii xiligaasi oo Dowlada Islaamka uu ku dhawaaqay.

Muuqaalkaan cusub oo aan la ogayn goorta iyo goobta lagu duubay ayaa muujinaya in Al Baqdaadi uu waayeeloobay balse caafimaad ahaan wanaagsan xili ay jireen warar sheegayey in la dhaawacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM