Hogaamiyayaasha Caalamka oo ka falceliyay geerida Madaxweynaha Iran
TEHRAN - Hogaamiyayaasha caalamka ayaa ka falceliyay geerida madaxweynihii Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dhul buuraley ah oo u dhow xadka Asarbayjaan.
Raisi, oo ahaa nin mayal adag oo muddo dheer loo arkayay inuu bedeli karo hogaamiyaha ugu sareeya Ali Khamenei, iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas iyo dad kale ayaa meydkooda laga helay goob ay ku burburtay diyaarad helikobter ah, ka dib markii ay saacado socotay baadi goobka xili ay jirto ciiryaamo buuraleyda waqooyi-galbeed ee dalka.
Raisi wuxuu ahaa 63 jir. Dhowr hoggaamiye oo adduunka ah ayaa ka falceliyay geeridiisa.
Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa yiri: "Waxaan aad uga murugeysanahay, kana naxay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Dr. Seyed Ebrahim Raisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, gacantii uu ka geystay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee India iyo Iran ayaa mar walba la xasuusan doonaa. Tacsi baan u diraynaa qoyskiisa iyo shacabka Iran oo aan garab taaganahay waqtigan murugada leh."
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa yiri: "Laga bilaabo markii ugu horreysay ee aan maqalnay shilka, waxaan la xiriirnay mas'uuliyiinta Iran waxaanan abaabulnay wax walba oo lagu caawinayo dadaallada (badbaadinta). laakiin nasiib daro ma maqal war wanaagsan,”.
Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa ka tacsiyeeyay geerida Madaxweynaha Iran, isagoo sheegay in Raisi uu ahaa "saaxiib iyo walaal qiimo badan".
Madaxweynaha Pakistan Asif Ali Zardari ayaa bayaan uu soo saaray sidoo kale ku muujiyay naxdin iyo murugo la xiriira geerida Raisi. Waxa uu tacsi u diray eheladii ay ka baxeen madaxweynaha Iran, wasiirkii arrimaha dibadda iyo dadka kale ee ku dhintay shilkaasi.
Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ku dhawaaqay maalin baroor diiq ah oo ku aadan geerida Raisi.
Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in madaxweyne Xi Jinping uu ka tacsiyeeyay geerida Raisi.
Charles Michel, Madaxweynaha Golaha Yurub, wuxuu yiri: Midowga Yurub waxay muujinayaan sida ay uga xun yihiin geerida Madaxweyne Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Abdollahian, iyo sidoo kale xubnaha kale.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Raisi iyo Abdollahian ay u yaqaannaan “saaxiibo run ah oo la isku halayn karo oo dalkeenna leeyahay ”.
Afhayeenka dowladda Japan, Yoshimasa Hayashi ayaa sheegay in Japan ay u tacsiyeynayso dowladda iyo shacabka Iran kadib geerida Madaxweyne Raisi iyo wasiirkii arrimaha dibadda.
GAROWE ONLINE