Hogaamiye afgembi lala xiriiriyey oo cadaadis lagu bilaabay

Image

TUNIS, Tunisia - La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Suliivan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Tunisia inuu deg deg Tunisia ugu soo celiyo “waddada dimoqraadiyadda” kadib markii uu Axaddii tagtay la wareegay awoodaha maamulka, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad.

Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid ayaa dalka geliyey xaalad deg deg ah oo la xiriirta faafitaanka cudurka Coronavirus iyo maamul xumo, si uu u eryo ra’iisul wasaraaha, u hakiyo baarlamanka, ulana wareego awoodda fulinta.

Kooxaha mucaaradka Tunisia, oo uu ugu weyn yahay xisbiga Islaamiga ah ee Ennahda, ayaa tallaabadan ku macneeyey afgambi.

Wada-hadal teleefon oo uu la yeeshay, ayuu Sullivan hoosta uga xariqiay madaxweyne Qays baahida loo qabo “inuu deg deg usoo dhiso dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare karti leh oo xasiliya dhaqaalahaTunisia, kana hortaga faafitaanka cudurka Coronavirus, iyo inuu xaqiijiyo in dib loo soo celiyo baarlamanka la doortay” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka Aqalka Cad.

Madaxweyne Qays Saciid ayaa horey u difaacay tallaabooyinka uu qaaday oo uu sheegay inay lagama maarmaan u yihiin xasilloonida dalka.

Xiisadda siyaasadeed ee Tunisia ayaa dadka qaar ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin dalal shisheeye, ayada oo si gaar ah farta loogu fiiqay Imaaraadka Carabta.

VOA + Reuters

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM