Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Image

TEHRAN — In ka badan lix toddobaad kadib markii lagu dhowaaqay inuu yahay Hoggaamiyaha Sare ee dalka Iran kadib dilkii aabbihii, Mojtaba Khamenei weli laguma arkin fagaare, lamana maqal isagoo hadlaya.

Maqnaanshaha Mojtaba, oo 56 jir ah, ayaa ku soo beegmaysa xilli dalku uu wajahayo mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee dhinaca jiritaanka nidaamka.

Halkii uu si toos ah ula hadli lahaa shacabka, waxaa telefishinka qaranka laga akhriyaa war-saxaafadeedyo loo tiriyay isaga, halka baraha bulshada lagu baahiyo muuqaallo la sheegay in lagu farsameeyay garashada macmalka ah ee (AI) si loo muujiyo inuu fariimo u dirayo taageerayaashiisa.

Maxaa keenay maqnaanshihiisa?

Warar ay baahisay warbaahinta caalamka ayaa tilmaamaya in Mojtaba uu dhaawacyo kasoo gaareen weerarkii cirka ahaa ee lagu dilay aabbihii iyo saraakiishii ugu sarreysay militariga Iran. Waxaa la sheegay inuu ka jabay lug, sidoo kalena ay soo gaareen dhaawacyo dhinaca wejiga iyo indhaha ah.

Sidoo kale, waxaa jira warar kale oo sheegaya inuu kulamada kula qaato mas’uuliyiinta sare ee dowladda habka maqalka ah (audio conferencing), isagoo weli qayb ka ah go’aannada masiiriga ah ee la xiriira dagaalka iyo wadahadallada cusub ee lala leeyahay Mareykanka.

Hoggaan "Maran" mise mid "Qarsoon"?

Khubarada siyaasadda, sida Ali Vaez oo ka tirsan kooxda International Crisis Group, ayaa aaminsan in nidaamka Iran uu Mojtaba u isticmaalayo oo keliya in lagu meelmariyo go’aannada waaweyn, balse uusan isagu hadda awoodin inuu maareeyo tafaasiisha yaryar ee siyaasadda iyo wadahadallada.

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei, kaasoo ahaa wejiga guud ee go’aan kasta oo ka soo baxa Iran, isagoo toddobaad kasta jeedin jiray khudbado ay dadku u dheg taagi jireen.

Shakiga ku saabsan ciddii dhab ahaan gacanta ku haysa hoggaanka dalka Iran ayaa sii kordhaya, xilli dalku uu dhexda kaga jiro xiisado dublamaasiyadeed iyo kuwo ciidan oo aad u adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM

Trump oo Hanjabaad Culus u Diray Iran xilli ay diiday Wadahadalka Pakistan

Mohammed Bagher Qalibaf, oo ah madaxa gorgortanka Iran, ayaa si cad u diiday hanjabaadda Trump, isagoo barta X ku qoray...

  • Caalamka

    21-04-2026

  • 02:35PM