Human Rights Watch oo sheegtay in Israa’iil aysan u hoggaansamin amarkii Maxkamadda ICJ

Image
Amarkii Maxkamadda ayaa ahaa in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka ku nool Marinka Qasa.

Qasa (GO) - Hay’adda Human Rights Watch ayaa maanta sheegtay in Israa’iil aysan u hoggaansamin amarkii Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ahaa in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka ku nool Marinka Qasa.

Maxkamadda Cadaaladda ayaa jawaabtii ugu horreysay ka bixisay dacwadda Koonfur Afrika ee Israa’iil ku eedaysay xasuuq, iyada oo ku amartay Israa’iil inay samayso wax kasta oo karaankeeda ah si ay uga hortagto dhimasho, burbur iyo fal kasta oo ka dhaca Qasa.

Maxkaadda ayaa ka gaabisay inay amar ku bixiso in la soo afjaro weerarka milatari ee Israa’iil, kaas oo sababay masiibo bini’aadantinimo oo ka dhacday Marinka ay ku nool in ka badan 2 Milyan oo qof.

Israa'iil ayaa si adag u beenisay eedeymaha ka dhanka ah, waxayna sheegtay in ay ku jirto dagaal difaac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM