Ifafaalooyin halis ah oo kasoo ifbaxaya xaaladda Afgaanistaan

Image
Todobaadkii hore, is-miidaamin ayaa lagu dilay in ka badan 100 ruux oo ay ku jiraan askar Ameerikaan ah.

KABUL, Afghanistan - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay weerar dhanka cirka ah ka fulisay bariga Afgaanistaan ​​oo ka dhan ah "abaanduulaha" maleyshiyadda xiriir la leh ISIL.

Dhacdan waxay imaanaysaa maalin kadib markii weerar ka dhacay meel ka baxsan gegida diyaaradaha ee Kabul lagu dilay ugu yaraan 175 Afghanistan ah iyo 13 askari oo Mareykan ah.

"Weerarka cirka ee aan duuliyaha lahayn ayaa ka dhacay gobolka Nangarhar ee Afgaanistaan. Tilmaamaha bilowga ah ayaa ah inaan dilnay bartilmaameedka," Captain Bill Urban oo ka tirsan Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa bayaan ku yiri. "Waxaan ognahay in aysan jirin waxyeello rayid ah".

Weerarka Khamiistii waxaa sheegtay kooxda ISIL ee Afgaanistaan ​​- Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Khorasan (ISKP). Bishan Ogosto 26 -keedii ayay ahayd markii laba qof ay isqarxiyeen garoonka diyaaradaha.

Warkaan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Mareykanka ee caawinaya daad-gureynta Afgaanistaan ​​oo aad u doonaya inay ka baxsadaan taliska Daalibaan ay soo saareen digniin Sabtidii kuna aadanaa weerarro ka dhici kara garoonka diyaaradaha Kabul.

Mareykanka wuxuu rumeysan yahay inay weli jiraan hanjabaadyo "gaar ah oo lagu kalsoonaan karo” oo ka dhan ah gegida dayuuradaha kadib qaraxyadii dhimashada badnaa.

Ciidamada reer Galbeedka ee maamula hawada Afgaanistaan ​​ayaa u diyaar garoobay weerarro dheeraad ah kadib markii Mareykanka uu qaaday weerar xagga cirka ah.

Aqalka Cad oo war-saxaafadeed soo saarey duqeyntaas dhanka cirka ah kadib ayaa tibaaxay in maalmaha soo socda ay u badan tahay inay noqdaan kuwa ugu halista badan.

"Runtii waxaan diyaar u nahay oo aan filaynaa isku dayo mustaqbalka," ayuu afhayeenka Pentagon -ka John Kirby u sheegay wariyeyaasha kadib shir jaraa'id oo uu ku qabtey Washington.

Kirby oo tibaaxay in Mareykanka iyo saaxiibadiisa ay sii wadayaan daad-gureynta shacabka ayaa xusay "waxaan la soconaa hanjabaadahaan, aad iyo aad, gaar ahaan, ku dhawaad ​​waqtiga dhabta ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM