Iiraan & Jabuuti oo heshiiyay kadib khilaaf 7 sano soo jiitamayay

Image

NEW YORK, Soomaaliya - Dowladaha Jabuuti iyo Iiraan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dib loo soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed todobo sano oo colaad ah ka dib.

Go’aankan ayaa yimid ka dib wada-hadallo magaalada New York ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhiggiisa Iiraan, intii uu socday Kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Xuseen Caamir, ayaa xaqiijiyay warkan, wuxuuna muujiyay in la doonayo in la horumariyo xiriirka saaxiibtinimo iyo sare u qaadida iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay ka faa’iideysanayaan muwaadiniinta labada dal.

Jabuuti ayaa xiriirka u jartay Iiraan kadib khilaaf dhex maray Sacuudiga iyo Iiraan, balse hadda Jabuuti waxay ku biirtay dalalka kale ee Carabta oo dib usoo celiyay xiriirkoodii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Israel kasoo daadgureeyay shaqaale iyo qoysaskooda ka tirsan safaaradda 

Sidoo kale, 3,265 qof oo dheeraad ah, qaar ka mid ahna laga yaabo inay sidoo kale foomka buuxiyeen.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 09:47AM

Sacuudiga oo Lagu Eedeeyay Inuu Khiyaamay Iran oo uu Gacan Siiyay Israel 

Arrintan ayaa imaneysa xilli caalamka Muslimka uu wajaho kala qaybsanaan ballaaran, iyadoo cadaadis xooggan laga dareemayo Bariga Dhexe.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 06:14AM