Iiraan Oo Sheegtay Inay U Diyaar Garowday Dagaal Dheer Oo Ka Dhan Ah Mareykanka

Image

Tehran – Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in Tehran ay diyaar u tahay dagaal muddo dheer socon kara oo ay la gasho Mareykanka, isla markaana ay sii wadi karto weerarrada ka dhanka ah dalalka Khaliijka si ay ugu cadaadiyaan inay Washington ku qanciyaan in ay ka baxdo dagaalka.

Kamal Kharazi, oo ah la-taliyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee xafiiska hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan, ayaa wareysi uu si gaar ah u siiyay CNN ku sheegay in xilligan aysan jirin waddo diblomaasiyadeed oo muuqata. Sida uu sheegay, khilaafka hadda taagan wuxuu ku dhammaan karaa oo keliya marka cadaadis dhaqaale oo xooggan uu saameeyo dalalka kale si ay u farageliyaan.

Kharazi wuxuu sheegay in Iiraan ay lumisay kalsoonidii wadahadallada, isaga oo ku eedeeyay maamulka Mareykanka inuusan ilaalin ballanqaadyadii hore, isla markaana weerarro militari la qaaday xilli wada-xaajood socday.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalka uu durba sababay saameyn dhaqaale oo ballaaran oo ka muuqata gobolka iyo suuqyada caalamka, gaar ahaan kororka qiimaha shidaalka, sicir-bararka iyo carqaladda ku timid sahayda tamarta.

Intii uu socday dagaalka, Iiraan ayaa qaaday weerarro dhowr ah oo ka dhacay dalal kala duwan oo Bariga Dhexe ah, iyadoo sheegtay inay beegsanayso danaha Mareykanka ee ku sugan gobolka. Si kastaba, warar kale ayaa sheegaya in marar badan ay waxyeello gaartay xarumo rayid iyo garoomo diyaaradeed.

Isku dhacyadan ayaa si weyn u saameeyay marinka Hormuz oo ah jidka ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka dunida, halkaas oo dhaqdhaqaaqii maraakiibta si weyn hoos ugu dhacay. Qiimaha saliidda cayriin ayaa sidoo kale ka gudbay $100 foostadii, arrin keentay walaac ku saabsan sahayda tamarta ee caalamka.

Wararka ka imanaya Tehran ayaa sidoo kale sheegaya in hoggaanka cusub ee dalka uu sii xoojinayo mowqifka militari ee dowladda, iyadoo la tilmaamayo in ciidamada iyo hoggaanka sare ay isku mowqif ka yihiin sii wadista dagaalka.

Hadalladan waxay muujinayaan in xiisadda u dhaxaysa Iiraan, Mareykanka iyo xulafadooda ay u muuqato mid sii fidaysa, iyadoo khatarta dagaal ballaaran oo gobolka ka dhaca ay weli sare u taagan tahay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Waa Kuma Mojtaba Khamenei? Hoggaamiyaha Cusub ee Iiraan

Doorashadiisa hoggaamiyaha sare ee dalka ayaa ka dhigaysa shaqsiga ugu awoodda…

  • Caalamka

    09-03-2026

  • 01:35PM

Weerar Lagu Qaaday Warshadda Saliidda Bahrain, Bapco Oo Hakisay Wax-soosaarkii

Weerarkan ayaa imanaya xilli xiisadda milatari ee Bariga Dhexe ay sii kordhayso, taas oo….

  • Caalamka

    09-03-2026

  • 12:41PM