Iiraan oo UN-ka ku wargelisay qorshe ay ka fulineyso Gaza

Image
Xukuumadda Tehran ayaa sidoo kale waxay cambaareysay weerarada Mareykanka iyo Ingiriiska la beegsadeen Yemen.

TEHRAN, Iran - Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa “khalad istiraatiiji ah” ku tilmaamay weerarrada militari ee Mareykanka iyo UK ay ku qaadeen Xuutiyiinta.

Hossein ayaa hadalkan wuxuu khadka telefoonka ugu sheegay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, sida ay warisay wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee IRNA.

Isagoo tixraacaya xiisadaha ka taagan Badda Cas, Guterres "wuxuu muujiyay walaac ku saabsan fiditaanka iskahorimaadyada gobolka", ayay tiri IRNA.

Amir-Abdollahian ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay Guterres "in Iran ay diyaar tahay in ay gargaar bini'aadantinimo u dirto dadka Falastiiniyiinta ah ee go'doomiyey".

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa bilaabay duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyada militariga Xuutiyiinta ee gudaha waddanka Yemen 12-kii Janaayo.

Weeraradan ayaa waxa ay sheegeen in ay qaadeen si ay uga jawaabaan weerarrada soo noqnoqda ee kooxda ay taageerto Jamhuuriyadda Iran ee lagu qaaday maraakiibta mara badda cas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UNICEF oo Ka Digtay Saamaynta Ba’an ee Dagaalka Lubnaan Ku Yeeshay Carruurta

Raysal Wasaaraha xilka sii haya ee Lubnaan, Najib Mikati, ayaa Arbacadii…

  • Caalamka

    31-10-2024

  • 08:16PM

Israa'iil oo lagu cambaareeyay xayiraad ay saartey hay'adda UNRWA

UNRWA waa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin.

  • Caalamka

    29-10-2024

  • 07:20AM