Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Image

TEHRAN – Iiraan ayaa ku dhawaaqday inay xirtay marin-biyoodka Hormuz ilaa amar dambe, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay duqeymaha Mareykanka iyo xiisadda sii xoogeysaneysa ee gobolka.

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ay amreen xiritaanka marinka, oo ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka iyo ganacsiga caalamka.

Dhanka kale, militariga Mareykanka ayaa sheegay inuu weeraray in ka badan 140 bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Iiraan, isagoo sheegay in hawlgalladaasi ay jawaab u ahaayeen weerarro ay Iiraan ku qaaday maraakiib iyo danaha Mareykanka ee gobolka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in markab marayay marin-biyoodka Hormuz la beegsaday rasaas, iyadoo Iiraan ku eedeysay inuu marayay marin aan loo oggolaan.

Xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in uu hakad ku yimaado isu socodka saliidda iyo ganacsiga caalamiga ah, iyadoo xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ay sii kordheyso.

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan, iyadoo laga cabsi qabo inuu dib u qarxo dagaal ballaaran oo Bariga Dhexe ka dhaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taageerihii ugu weynaa ee Israel ee Senate-ka Mareykanka Lindsey Graham oo geeriyooday

Geerida Graham waxaa xaqiijiyay warbaahinno badan oo Mareykan ah, kuwaas oo soo xigtay bayaanka rasmiga ah ee xafiiskiisa.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 08:37AM

Hoggaamiyaha Sare ee Iran: Aargudashada Aabbahay Waa Waajib In La Fuliyo

Illaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Iiraan oo faahfaahinaya tallaabooyinka ay qorsheyneyso.

  • Caalamka

    11-07-2026

  • 11:03AM