Ilhaan oo ka difaacday Soomaaliya hadalo gaf ah oo kasoo yeeray Trump

Image

WASHINGTON, United State – Ilhaan Cumar ayaa mar kale ciwaanada majaladaha qabsatay markii ay Talaadadii ku dhaleeceysay madaxweyne Donald Trump hadalo kasoo yeeray bishii Janaayo 2018-kii.

Eryadda Trump ayaa ahaa in wadamadda Haiti, El Salvador iyo qaar kamida dalalka ku yaalla qaaradda Afrika ay yihiin "kuwa aan marnaba lagu noolaan karin".

Iyadda oo ka hadlay isu soo bax lagu qabtay dibadda Aqalka caanka ah ee Capitol ayay Ilhan Cumar difaacday wadankeeda ay asal ahaan kasoo jeedo ee Soomaaliya.

Gabadhaan tusaalaha u noqotay haween badan oo Muslimiin ah ayaa muujisay in ay aad ugu farax-san tahay in ay kasoo jeedo dalkaasi uu ku gafay Trump.

"Dalalka ay ku sheegayaan in aan lagu noolaan karin waxaa kasoo baxay dad sharaf ah, mushtamaca kalena ay sharfaan," ayay tiri, sida laga soo xigtay muuqaal Facebook lagu baahiyey.

Ilhaan Cumar oo sagaashameeyadii qaxootinimo ku gashay Mareykanka ayaa Aqalka Wakiilada Mareykanka ku metasha gobolka Minneapolis, ee ay Soomaalidu ku badan tahay.

Iyada oo sii hadlaysa ayay weerar afka ah si maldahan ugu qaadey Donald Trump oo ay ku tilmaamtay "daneyste iyo shaqsi ay bini'aadanimadu ku yar tahay".

"Haa waan ahay qaxooti … xaaladeena kuma milmaan wanaaga balse naguma yara bini'aadanimada, mana difaacno ganacsiga," ayay ku durtay Trump.

Xildhibaanad Ilhan Cumar iyo Donald Trump ayaa waxaa dhowaanahaaba ka dhaxeeyay dagaal dhinaca afka ah, kaasi oo maalinta maalinta kasii dambeysa cirka isku sii shareeraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM