Imaaraadka Carabta oo dalal horleh xayiraad kusoo rogay

Image

DUBAI, UAE - Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa ka joojin doonta dadka safarka ah ee ka kala imaanaya Liberia, Sierra Leone iyo Namibia inay ku soo galaan dalkeeda duulimaadyada qaran iyo kuwa shisheeye, laga bilaabo 23:59 pm. Isniintii, Juun 21, sida ay warisay wakaaladda wararka ee WAM iyada oo soo xiganaysa qoraal ay soo saartay Hay'adda Duulista Hawada ee Guud (GCAA).

GCAA waxay sheegtay in xayiraadaha ay sidoo kale ku jiri doonaan rakaabka transit-ka ah, marka laga reebo duulimaadyada transit-ka ee u socdaalaya Imaaraadka ee ku sii jeeda dalalkaas.

Duulimaadyada xamuulka ee u kala gooshaya dalalkaas iyo Imaaraadka ayaa sii socon doona, sidii caadada u ahayd, ayaa lagu yiri warka. Waxay tibaaxdey in talaabooyinka la soo bandhigayo si loo xadido faafitaanka COVID-19.

Hay'adda GCAA waxay intaas ku dartay in dadka uusan saameyn go'aankan ay ku jiraan: Muwaadiniinta Imaaraadka, qaraabadooda darajada koowaad, ergooyinka diblomaasiyadeed, wufuudda rasmiga ah, diyaaradaha ganacsiga - dadka helay oggolaansho hore - iyo kuwa haysta oggolaanshaha degganaanshaha dahabiga iyo qalinka, si lamida howlwadeenada shaqooyinka muhiimka ah.

Dadka uusan saameyn doonin go'aanadan ayaase ku qasban in ay garoonka diyaaradaha ka qaataan talaalka safmareenka Coronavirus ayna galaan karantiil 10 maalmood ah oo qasab ah.

Dhinaca kale, Guddiga Sare ee Dhibaatooyinka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dubai ayaa Sabtidii sheegay inay u oggolaan doonaan dadka safarka ah ee ka socda Koonfur Afrika, ee helay laba qiyaas oo tallaal ah oo ay ansaxisay UAE, inay soo galaan Dubai laga bilaabo 23-ka Juun, sida ay daabacdey wakaaladda wararka WAM.

Shaqsiyaadka ka imaanaya Hindiya, ee haysta fiisaha deggenaanshaha saxda ah isla markaana helay laba qiyaas oo tallaal ah oo ay ansaxisay UAE, ayaa sidoo kale loo oggolaan doonaa imaaradda.

Dhanka kale, dadka ka imaanaya Nigeria waa inay wataan caddeynta baaritaanka Covid-10 lana qaadey48 saacadood ka hor safarka iyo sidoo kale in ay waajib ku tahay tijaabo kale oo fayruska ah isla marka ay ka degaan Dubai, sida ay ku dartey WAM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM