Imran Khan: Ra'iisul Wasaaraha Pakistan oo laga helay Covid-19

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Ra'iisul Wasaaraha dalka Pakistan, Imran Khan, ayaa laga helay safmareenka halista ah ee Coronavirus, sida uu Sabtida maanta ah ku dhawaaqay wasiirka caafimaadka waddankaas, Nausheen Hamid.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Khan ayaa Khamiista todobaadkii hore waxaa uu qaatay talaalka Covid-19.

Pakistan ayaa kamid ah dalalka bilaabay in ay shacabkooda ka talaalaan Covid-19, iyaddoo mas'uuliyiinta ugu sareysay ay safka hore kaga jiraan qaadashadda talaalkaas.

Khan oo 68-sano jir ah ayaa saacado kadib markii la talaalay wuxuu dadweynaha Pakisan uu cod dheer kula dardaarmay in ay dardargeliyaan in ay u hogaan-samaan talooyinka caafimaad ee looga hortagayo caabuqa aadka u faafa.

War-saxaafadeedka xafiiska Khan ayaa lagu caddeeyay in wasiirka koowaad ee xukuumadda Islamabad uu haatan ku karantiilan yahay hoygiisa.

"Ra'iisul Wasaaruhu haatan xaaladiisa caafimaad waa mid degan, wuxuuna kusii shaqeyn doonan gurigiisa illaa caafimaadkiisa uu taam kasoo noqonaayo," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaankan oo lala wadaagay warbaahinta.

Kiisaska Coronavirus ee waddanka Pakistan ayaa maraya 623-kun, dadka soo kabanaya waxay sii cagageynayaan 580-kun, halka geerida ay kor-u-dhaafeyso 13-kun, sidda ku xusan warbixintii u dambeysay ee Waaxda Caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM