In ka badan 50 qof oo ku dhintay dab qabsadey warshad

Image
Image
Image

DHAKA, Bangladesh - Dab ka kacay warshad soo saarta cuntada ayaa ugu yaraan 50 qof ku dilay Rupganj, oo ah magaalo warshadeed oo 25 km bariga ka xigta caasimadda dalka Bangladesh ee Dhaka.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo ay heshay warbaahinta gudaha, Dabka ayaa ka bilawday dabaqa hoose ee dhismaha oo dhowr dabaq ah oo ka tirsan warshada casiirka.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhaawacmey iyaga oo isku dayay in ay badbaadiyaan naftooda kana soo booday dabaqyada sare ee dhismaha, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maxaliga.

Ma cadda inta qof ee ku xaniban gudaha, sida ay saraakiishu sheegeen. Dhinaca kale, ehelka oo careysan ayaa isugu soo baxay waddooyinka, booliiskuna wuxuu tuuray bambooyin dhawaaqa looga jawaabayo.

Booliska iyo goobjoogeyaal kala duwan ayaa daaha ka rogay in dabka uu ka kacay warshada Hashem Cuntada iyo Cabitaanka ee Rupganj abaare 5-ta galabnimo (11:00 GMT) Khamiista.

"Marka dabka la xakameeyo, waxaan ku sameyn doonnaa hawlgal baaritaan iyo badbaadin ah gudaha. Markaas waan xaqiijin karnaa waxyeello intaas ka sii badan, haddii ay jiraan," ayuu yiri afhayeenka adeegga dabka, Debashish Bardhan.

Dabka ayaa caan ka ah gudaha Bangladesh sababo la xiriira dabacsanaanta fulinta xeerarka badbaadada. Bishii Febraayo 2019, 70 qof ayaa dhimatay markii dabka ka kacay dhowr guri gudaha Dhaka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM