Dadka aan iska talaalin Covid-19 oo laga xanibayo telefoonka

Image

NEW DEHLI, India - Ismaamulka Punjab ee hoostaga Hindiya kuna yaala xuduudka dalkaas la wadaago Pakistan ayaa soo rogay go'aano cajiib ah oo dadweynaha ku dhaqan gobolkaas loogu qasbayo qaadashada talaalka Covid-19.

Go'aanada oo kasoo baxay shir ay shalay yeesheen mas'uuliyiinta ugu sareysa waaxda caafimaadka dowlad goboleedkaas ayaa waxaa kamid ah in laga mamnuuci doono qaadashada kaarka telefoonka dadka aan qaadan talaalka.

Sidoo kale, go'aanada oo dhaqanlkooda uu bilaaban doono 12-ka bishaan June, 2021-da waxaa qeyb ka ah in kaliya Shineemooyinka iyo Maqaayadaha loo ogolaan doono in ay galaan kaliya dadka qaata talaalka fayruska.

Mas'uuliyiinta ayaa si lamid ah waxay isku-raaceen in xarumaha talaalka gobolka oo gaaraya 677 ay dardargeliyaan shaqada ay hayaan si ay u gaaraan qorshaha ay dowlada dhexe ee Hindiya dejisay horaantii sanadkan 2021.

Qorshahaas oo u muuqanaya mid wajahaya caqabado  ayaa ah in maalintii ay talaalka qaataan 0.47% dhalinyaradda ama 52-kun taasoo looga goleeyahay in la xaqiijiyo in 68 milyan qof ay qaataan talaalka dhamaadka xagaagan.

Sikastaba ha ahaatee, illaa haatan waxaa talaalka qaatay 4.2 milyan oo kamid ah 68-da milyan ee ku dhaqan gobolka Punjab taasoo la macno ah in talaalka kaliya ay aqbashay 6.8%, waana mid dharbaaxo ku ah la dirirka safmarka.

Go'aanadan cusub ee Khamiistii shalay lasoo rogay oo hadalheyn badan ka abuuray ismaamulkaas ayaa si weyn looga dhursugayaa qaabka ay wax uga bedeli karaa cagajiidka ay dadweynaha ay ka muujinayaan qaadashadda talaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM