Ingiriiska: Dad loo xiray qarax ka dhacay Isbitaal weyn

Image
Image
Image
Image
Shaqsiyaadkan aan wali lasoo bandhigin aqoonsigooda ayaa lala xiriirinayaa falkan sababay geerida hal qof.

LONDON, Britain - Saddex nin ayaa lagu xiray sharciga argagixisada ka dib markii nin lagu dilay qarax baabuur oo ka dhacay bannaanka isbitaalka haweenka ee Liverpool.

Wax yar ka hor 11:00 GMT baabuurka - oo la sheegay inuu ahaa taksi - ayaa qarxay wax yar ka dib, booliisku waxay sheegeen.

Rakaabkii gaariga la socday ayaa la sheegay inuu ku dhintay goobta, ilaa iyo haddana si rasmi ah looma aqoonsan. Ninka darawalka ahaa ayaa dhaawac soo gaaray, waxaana uu ku jiraa isbitaal xaaladiisuna ay wanaagsan tahay.

Dembi baarayaal ka tirsan Boliiska Waqooyi Galbeed ayaa sheegay in saddex nin - oo da'doodu tahay 29, 26 iyo 21 - lagu xiray Sutcliffe Street ee degaanka Kensington ee magaalada.

Waxay intaa ku dareen inay sii wadayaan "in ay maskax furan ku eegaan waxa sababay qaraxa" waxayna la shaqaynayeen bilayska Merseyside iyadoo baaritaanku uu ku sii socdo "xawaare sarre".

Askar hubaysan ayaa weerar ku qaaday guri ku yaala Rutland Avenue oo u dhaw Sefton Park, iyo sidoo kale Boaler Street ee Kensington. Booliisku ma aysan xaqiijin in weerarka uu la xiriiro qaraxa ka dhacay isbitaalka.

Ra'iisul wasaare Boris Johnson ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Dareenkayga waxa uu la jiraa dhammaan dadkii ay saameysay dhacdadii foosha xumayd ee Liverpool maanta.

"Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo ciidamada gurmadka sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen iyo xirfaddooda, iyo booliiska shaqada joogtada ah ee baaritaanka," ayuu yiri.

Xoghayaha arrimaha gudaha boqortooyadda Ingiriiska, Priti Patel, ayaa sidoo kale barteeda Twitterka ku soo qortay "in si joogto ah loola socodsiiyay dhacdada foosha xun".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM