Ingiriiska oo ku cadaadinaya Ukraine inay joojiyaan dagaalka oo ay la wadahadlaan Ruuskha

Image
Dublamaasiyiin Ingiriis ah ayaa ku qasbi doona Ukraine inay wadaxaajood la gasho Ruushka

KIEV (GO) - Wargeyska “Daily Express” ayaa sheegay in dublamaasiyiin Ingiriis ah ay isku diyaarinayaan inay ku qasbaan Ukraine inay wada xaajood la gasho Ruushka si loo soo afjaro dagaalka hadda socda.

Maqaalka ayaa ku qoran: "Weerarkii ugu weynaa ee ay soo qaadday Ukraine ma aysan ka gaarin guushii la filayey, taas oo shaki gelisay awoodda maamulka Kiev ay ugu guuleyan karaan ​​​​dagaalkan”.

Waxaa intaas lagu daray: “Hadda waxaa jira hadallo diblomaasiyadeed oo ku saabsan in la cadaadiyo maamulka Kiev laguna khasbo inay farriisato miiska wadahadalka.”

Wargeysku wuxuu tilmaamay cadaadiska sii kordhaya ee Vladimir Zelensky, oo ciidankiisu ay la il daran yihiin dib u dhac, isagoo laftiisa wajahaya dhaleecayn fara badan oo gudaha dalka ah.

General Charles Brown, oo ah taliyaha Ciidamada Isku dhafka ah ee Mareykanka, ayaa khudbad uu ka jeediyay Madasha Difaaca Qaranka ee Reagan ku sheegay in dagaalka Ukraine uusan ku dhammaan doonin qaab militari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM