Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

Image
RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

London (GO) - Ra’iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa Isniintii xaqiijiyay in qorshaha loogu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda la dhaqan gelin doono, isaga oo tixraacaya dib u dhaca sharci ee baarlamaanka ee ka hortagay ansixinta sharciga muranka dhaliyay.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa guriga uu ka degan yahay Downing Street ee magaalada London, oo uu ku soo bandhigay qaabkii ay dowladdu u abaabushay masaafurinta muhaajiriinta, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in duullimaadyadu “ay kici doonaan si kasta oo ay ahaataba.”

Hadalada Sunak ayaa yimid ka hor maalin muhiim ah oo laga yaabo in baarlamaanka meel meriyo sharciga.

Bloomberg ayaa ka soo xigtay Sunak isagoo leh, "Duullimaadka ugu horreeya wuxuu bixi doonaa 10 ilaa 12 toddobaad gudahood, taariikhdana way ka dambaynaysaa intii aan rabnay."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM