Iran oo ka hadashay wadahadalada ay kula jirto Sacuudi Carabiya

Image

TEHRAN, Iran - Iiran ayaa Isniinta maanta ah waxay si rasmi ah u xaqiijisay markii ugu horeysay inay wadahadal kula jirto dalka ay aadka u xafiiltamaan ee Saacudi Carabiya, iyadoo sheegtay inay sameyn doonto wixii karaankeeda ah si loo xaliyo arrimaha taagan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, Saciid Khatibzadeh, ayaa ka sheegay shir jaraa'id in "qaboojinta xiisadaha u dhexeeya labada dal ee muslimka ah kuna yaala gobolka Gacanka Beershiya ay dan u tahay labada qaran iyo gobolka."

Iran oo tibaaxdey in ay sugeysay natiijada wadahadalada ayaa intaas ku dartay "waxaan soo dhaweyneynaa xalinta arrimaha ka dhex jiray labada dal...Waxaan u adeegsan doonnaa dadaalkayaga ugu fiican ee arrintan la xiriira."

Danjire Rayed Krimly oo ah madaxa qorsheynta siyaasada ee wasaarada arimaha dibada ee Sacuudi Carabiya ayaa Asbuucii la soo dhaafay u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in wadahadalada u dhaxeeya Sacuudi Carabiya iyo Iran looga gol-leeyahay in lagu yareeyo xiisada gobolka. Wuxuu sheegay in ay tahay xilli hore in la xukumo natiijada Riyadhna ay dooneyso in ay aragto "ficillo la xaqiijin karo".

Iran iyo Sacuudi Carabiya waxay ku loollamayaan xifaaltan ka dhex dhacay khilaafaadka wakiillada ee gobolka oo dhan, laga soo bilaabo Yemen ilaa Suuriya ilaa Ciraaq.

Labada dal ayaa xiriirka diblomaasiyadeed jaray sanadkii 2016. Saraakiisha Bariga Dhexe iyo ilo wareedyo ayaa sheegay bishii la soo dhaafay inay yeesheen laba wareeg oo wadahadal ah.

Doorashadda madaxweyne Joe Biden ee Mareykanka waxay wax ka bedeshay xiisadihii Bariga Dhexe. Washington waxay hiigsaneysaa in ay dib u bilowdo heshiiskii Nukliyeerka ee Iran oo Donald Trump uu ka tanaasuley, wuxuuna ku baaqey in Sacuudi Carabiya joojiso dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen ee Iran la safan.

Ilo wareedyo qaar ayaa u sheegay Reuters bishii la soo dhaafay in Tehran ay balan qaaday inay u adeegsaneyso saameynteeda si ay u joojiso weerarada Xuutiyiinta ay ku hayaan Sacuudi Carabiya, taa badalkeedana ay weydiisato Riyadh inay taageerto wadahadalka Niyukleerka.

Wadahadalka Nukliyeerka ee ka socda Vienna ee u dhexeeya Tehran iyo quwadaha adduunka ayaa ujeedkoodu yahay in Washington iyo Iran dib loogu soo celiyo heshiis buuxa ee heshiiska nukliyeerka. Tehran waxay ku bedelaneysaa in cunaqabateyntii maamulka Trump laga qaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM