Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Image

TEHRAN, Iran — Iran ayaa ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada milatari ee Mareykanka ka dhanka ah Tehran, isla markaana ay u oggolaadeen in dhulkooda iyo xarumahooda loo adeegsado howlgallada lagu qaaday Iran.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baqaei, ayaa Isniintii sheegay in Mareykanka uu mas’uul ka yahay waxa uu ku tilmaamay “gardarrada milatari” ee ka dhanka ah Iran, taas oo uu sheegay inay bilaabatay 28-kii Febraayo.

“Dabcan, ma iska indho tiri karno ka qeyb qaadashada qaar ka mid ah dalalka gobolka ee gardarradan,” ayuu yiri Baqaei, isaga oo aan magacaabin dalalka uu eedeynta u jeediyay.

Baqaei ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah, gaar ahaan waddamada Khaliijka, isagoo xusay in ay jiraan dano iyo xiriirro wadaag ah oo horseedi kara kalsooni iyo iskaashi.

“Waxaan marar badan caddeynay inaan raadineyno xiriir wanaagsan oo aan la yeelanno dalalka gobolka. Ma jirto wax cadaawad ah oo aan u qabno,” ayuu yiri afhayeenka.

Si kastaba, wuxuu ku eedeeyay qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka inay u oggolaadeen ciidamada Mareykanka inay adeegsadaan dhulkooda si ay uga fuliyaan weerarro ka dhan ah Iran, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imaaneyso mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo deris wanaagga.

“Dalalkan waxay dhulkooda u diyaariyeen kuwa gardarrada ku haya Iran, xaaladaha qaarna waxaan ognahay inay si toos ah uga qeyb qaateen weerarrada milatari,” ayuu sheegay Baqaei.

Dalalka Khaliijka ayaa horay u beeniyay inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka ee Iran, iyagoo ku eedeeyay Tehran inay bartilmaameedsatay goobo rayid ah iyo kaabayaal muhiim ah intii ay socdeen iska horimaadyada gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM