Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha
TEHRAN/BEIJING – Iran ayaa toddobaadyada soo socda la filayaa inay ka hesho Shiinaha gantaallo garabka laga rido oo loo adeegsado difaaca cirka iyo soo ridista diyaaradaha dagaalka, sida ay Reuters u sheegeen saddex ilo oo xog ogaal ah.
Ilo-wareedyada ayaa sheegay in heshiiska uu ku jiro keenista 300 ilaa 400 gantaal, kuwaas oo isugu jira noocyada QW-12 iyo FN-16, iyadoo qiimaha heshiiska lagu qiyaasay $60 milyan ilaa $70 milyan.
Sida warbixintu sheegtay, Iran waxay doonaysaa inay dib u xoojiso difaaceeda cirka, kaddib markii uu wiiqmay intii lagu jiray dagaalladii u dambeeyay ee ay la gashay Mareykanka iyo Israa’iil.
Gantaalladan oo uu qof keliya qaadi karo ayaa loogu talagalay in lagu soo rido diyaaradaha, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo bartilmaameedyada kale ee ku duula joogga hoose.
Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in weli la qorsheynayo sida hubkan loo gaarsiin doono Iran. Dowladda Shiinaha ayaa beenisay inay ku lug leedahay heshiiskan, halka Pakistan ay iyaduna diidday wararka sheegaya in dhulkeeda loo adeegsanayo gudbinta hubka.
Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran, xilli Tehran ay dadaal ugu jirto dib u dhiska awooddeeda difaac.
GAROWE ONLINE