Iran oo markab looga weeraray nawaaxiga xeebta Jabuuti
TEHRAN, Iran – Markab xamuul oo laga leeyahay Iiraan lana rumeysan yahay in uu saldhig u yahay ciidamada ilaalada kacaanka Jamhuuriyadda islaamiga ah isla markaana sannado ku xirnaa badda cas si gaar ah meel ka baxsan Yemen ayaa la weeraray, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.
Wasaaradda arrimaha dibedda Iran ayaa Arbacadii xaqiijisay weerarka, iyada oo sheegtay in MV Saviz uu haleelay qarax aan la garanayn oo sababay "waxyeello yar" abbaaraha 6-da subaxnimo ee maxalliga ah ee Badda Cas Talaadadii, kuna dhow xeebta Jabuuti.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Saciid Khatibzadeh ayaa intaa ku daray in markabka Saviz uusan Hay'adda Badaha Caalamiga ah uga diiwaan-gishaneyn qaab milatari balse uu "saldhigga saadka" u yahay ciidamadda badda Iiraan ee Badda Cas, isla markaana uu bixiyo adeegyo ka dhan ah burcad-badeedda.
"Nasiib wanaag wax dhimasho ah kama dhalan dhacdadaas, iyo qiimeyn farsamo oo la xiriirta sida ay wax u dheceen iyo halka ay ka bilaabatay," ayuu yiri.
Weerarku wuxuu yimid markii Iran iyo quwadaha adduunka ay u fadhiisteen Vienna wadahadalladii ugu horreeyay ee ku saabsan qaabka Mareykanka uu dib ugu soo laaban karo heshiiskii Niyukliyeerka ee Tehran, taasoo muujineysa in caqabadaha horyaalla aysan ku koobnayn oo keliya wadahadalladaas.
Joogitaanka markabka ee gobolka, oo si isdaba joog ah u dhaleeceeyay Sacuudiga, ayaa yimid iyadoo reer galbeedka iyo khubarada Qaramada Midoobay ay sheegeen in Iran ay hub iyo taageero siisay falaagada Xuutiyiinta Yemen xilli dalkaasi uu sanado dagaal ka socday.
Subaxnimadii hore, kahor intaan warka laga faafaahin weerarka, Ra'iisul Wasaare Israel Benjamin Netanyahu ee hogaamiyaha Yahuuda, oo la hadlayey xildhibaanada xisbigiisa garabka midig ee Likud, ayaa daboolka wuxuu ka qaadey in aysan haboonayn in dib loogu laabto heshiiskii "halista ah" ee nukliyeerka.
GAROWE ONLINE