Iran oo sheegtay in Xuutiyiinta ay si wadi doonaan beegsiga maraakiibta Badda Cas

Image
Abdullahian ayaa carabka ku adkeeyay in Yemen ay qayb ka tahay ammaanka Galbeedka Aasiya.

San’aa (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amir Abdollahian, ayaa uga digay Mareykanka iyo Ingriiska in ay sii wadaan weerarada ka dhanka ah Yemen, isagoo xaqiijiyay in Xuutiyiinta ay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta, inta uu socdo dagaalka Qasa.

Abdullahian ayaa shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay dhiggiisa Hindiya Subrahmanyam Jaishankar ku yiri: “Booqashadani waa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo iskaashiga kala duwan ee Iran iyo India, iyadoo la raacayo danaha labada dal.”

Wasiirka ayaa intaas raaciyay, “Kulanka maantana waxa aanu isku dhaafsanay aragtiyo ku saabsan arrimaha caalamiga ah, oo ay ku jiraan dhibaatada ka jirta Qasa”.

Abdullahian ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in Yemen ay qayb ka tahay wadamada ilaalinaya ammaanka Galbeedka Aasiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM