Iran oo u hanjabtay Yahuuda kadib duqeyn looga dilay xubno muhiim ah

Image
Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi, ayaa ballanqaaday in ay jawaab kulul siin doonaan Israa’iil.

TEHRAN, Iran - Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi, ayaa ballanqaaday in ay jawaab kulul siin doonaan Israa’iil kadib markii ay duqeyn ku dishay shan xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee dalkaas.

"Jamhuuriyadda Islaamiga ah kama tagi doonto dambiyada maamulka Sahyuuniyadda iyadoo aan laga jawaabin," ayuu Raisi ku yiri hadal uu kasii daayay warbaahinta dowladda ee IRIB.

Dhawaaqa Raisi ayaa yimid ka dib markii afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu sheegay in Tehran ay xaq u leedahay inay ka jawaabto "argagixisada abaabulan ee nidaamka Sahyuuniyadda beenta ah waqtiga iyo goobta ku habboon".

Militariga Israa'iil kama aysan hadlin mas'uuliyadda ama si kale uga hadlin weerarka. Israa'iil ayaa lagu eedeeyay in duqeyn ay ka fulisay caasimada Suuriya ay ku dishay xubnahan.

Dhanka kale, Ugu yaraan 165 Falastiiniyiin ah oo ku sugan Qaza ayay ciidamada Israa’iil ku dileen 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israa’iil ayaa xalay iyo subaxdii duqeymo ka geystay magaalada Khan Younis ee koonfurta dalkaasi, halkaasi oo ay ka fuliyeen howlgalka dhulka iyo cirka ah waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM