Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay laba nin u basaasayeen Sirdoonka Israel 

Image

TEHRAN - Dowladda Iiraan ayaa maanta oo Sabti ah daldashay laba nin oo lagu helay dambi ah inay u basaasayeen Israa’iil, sida uu shaaciyay garsoorka dalkaas. Labada nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Yaghoub Karimpour iyo Nasser Bekrzadeh ayaa lagu eedeeyay inay xog iyo sirdoon la wadaageen sirdoonka Mossad ee Israa’iil.

Yaghoub Karimpour ayaa lagu helay dambi ah inuu sawirro iyo muuqaallo ka qaaday xarumo ciidan iyo goobo ammaan, kuwaas oo uu u diray sarkaalka ka tirsan Mossad intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood ahaa ee dhexmaray Iiraan iyo Israa’iil bishii Juun 2025.

Nasser Bekrzadeh ayaa isna lagu eedeeyay inuu Israa’iil siiyay macluumaad ku saabsan shakhsiyaad muhiim ah iyo goobaha nukliyeerka ee dalka Iiraan, gaar ahaan aagga Natanz.

Xukunnadan ayaa imaanaya xilli dalka Iiraan ay ka socdeen dilal is-daba joog ah oo loo geysanayay dad lala xiriiriyay mudaaharaadyadii waaweynaa ee dalkaas ka dhacay bishii Janaayo, kuwaas oo dowladda Iiraan ay ku eedaysay inay soo abaabuleen dalalka reer galbeedka iyo Israa'iil.

Sidoo kale, Khamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd markii la daldalay nin lagu magacaabi jiray Sasan Azadvar oo lagu eedeeyay inuu weeraray ciidamada booliska intii ay socdeen dibadbaxyadii ka dhashay nolosha qaaliyoowday.

Xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay bishii Febraayo ee sanadkan 2026, markaas oo Mareykanka iyo Israa’iil ay weerarro ku qaadeen Iiraan, inkastoo markii dambe la gaaray xabbad-joojin jilicsan bishii Abriil.

Dilalkan cusub ayaa loo arkaa inay qayb ka yihiin tallaabooyinka ay dowladda Iiraan ku xoojinayso ammaanka gudaha iyo ka hortagga wax ay ugu yeertay faragelinta shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheikh Hasina oo sheegtay inay dib ugu laaban doonto Bangladesh xili inkastoo lagu xukumay dil

Waxay sheegtay inay diyaar u tahay in la xiro ama xitaa la dilo marka ay dalka ku laabato.

  • Caalamka

    10-07-2026

  • 12:38PM

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM