Isbitaaladda ku yaalla Israa'iil oo amar degdeg ah lagu soo rogay

Image
Tani ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka dhex jirta kooxda Xisbullah ee Lubnaan

DOOXA, Qadar - Wasaaradda caafimaadka ee Israa’iil ayaa ku amartay isbitaallada ku yaal waqooyiga dalkaasi inay u diyaar garoobaan suurtagalnimada in la qaabilo “kumannaan qof oo dhaawac ah”.

Tani ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka dhex jirta kooxda Xisbullah ee Lubnaan, sida ay sheegtay warbaahinta guud ee Israa’iil ee KAN.

KAN ayaa warisay in wasaaraddu ay ka codsatay xarumaha caafimaadka ee waqooyiga in ay u diyaar garoobaan suurtagalnimada in la galo "jaziirada cidlada ah", taas oo looga tagayo sahay caafimaad, daawo iyo cunto maalmo.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ka codsatay isbitaallada inay galaan xaalad degdeg ah saacado gudahood waxayna dalbatay inay ilaaliyaan boqolkiiba 50 dadka degganaanshaha.

Xiisado ayaa ka taagan xadka u dhaxeeya Lubnaan iyo Israa’iil iyadoo ay isweydaarsanayaan rasaas goos goos ah oo ay is-dhaafsanayaan ciidamada Israa’iil iyo Xisbullah.

Waa iska hor imaadkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii ay labada dhinac dagaal saf ballaaran ah uu ka dhex-qarxay sannadkii 2006-dii taasoo sababtay dhimashadda kumanaan ruux oo shacab iyo askar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM