Isku day afduub diyaarad rakaab ah oo "la fashiliyey"
TEHRAN, Iran – Ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa ku dhawaaqay in ay fashiliyeen isku day afduub diyaarad rakaab ah oo ku jirtay duulimaad habeenkii Khamiista, iyagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Afduubka ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday diyaarad ganacsi oo Iran Air Fokker 100 ah oo ka soo duushay koonfurta-galbeed magaalada Ahvaz kuna sii jeedda magaalada waqooyi-galbeed ee Mashhad, sidda uu taliska ku sheegay qoraal uu ku daabacay barta uu internet-ka kaga leeyahay ma website-kooda.
Shaacinta IRGC lagu xusin tafaasiil ku saabsan ruuxa sameeyay isku-dayga afduubka diyaaradda, balse waxaa lagu sheegay kaliya afduubaha inuu doonayay inuu duulimaadka u weeciyo "xeebaha koonfureed ee Gacanka Beershiya".
Sharaxadaas waxaa ku jira kara waddamada Baxrayn, Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta, oo ah saddex dal oo cilaaqaad liita la leh Iiraan.
Ciidankan sidda gaarka ah u tababaran ayaa shaaca ka dhigay in duulimaadka Iran Air uu si deg deg ah ugu degay bartamaha magaalada Isfahan, mana jirin cid wax ku noqotay dhacdada. Si dhakhso ah looma caddeyn in afduubaha la sheegay inuu hubeysnaa ama uu wajahayo dacwad dambiyo ah.
Fokker 100 ayaa loo qorsheeyay in ay ka duusho Ahvaz kuna sii jeeday Mashhad Khamiista, sidda lagu sheegay bogga duulimaadka diyaaradaha ee FlightRadar24.com.
Shirkadda Duulimaadyadda Iran ee Iran Air ayaa leh saddex diyaaradood, kuwaas oo oo kamid ah ah 30 sano jir maaddaama waddanku weli ka xiranyahay iibka diyaaradaha caalamiga ah cunaqabateyn awgeed.
Duulimaadyada gudaha ee Iran ayaa lagu waramay in ay wataan ilaalo hubaysan si ay uga hortagaan isku day kasta oo weerar ama afduub ah.
Ilaalada Kacaanka ayaa la wareegay amniga duulimaadyada 1980-yadii kadib dhacdooyin isdaba joog ah oo ay ku jireen kooxo mucaarad ah oo reer Iiraan ah oo diyaarado kula wareegay qalalaasihii ka dhashay kacaankii Islaamiga ee 1979 ee wadanka.
Labadii isku day ee ugu dambeeyay waxay dhaceen 2000. Bishii Sebtember 2000, nin ku hubeysnaa bistoolad been abuur ah iyo bambo shidaal wuxuu damcay inuu gacanta ku dhigo diyaaradda Iran Air Fokker 100, isagoo isku dayaya inuu diyaaradda u raaco Faransiiska.
GAROWE ONLINE