Isra'iil oo duqaysay Marinka Gaza

Image

11 Octobar, 2015(GO)-Diyaaradaha dagaalka ayaa duqeeyay Marinka Gaza xilli ay ka socdaan dalka Falastiin rabshado ka dhanka Yuhuudda.

Weerarka waxaa ku dhintey hooyo uur leh iyo laba dhallaan ah oo ay dhashay, waxaana la sheegay inay aargudasho u ahaa gantaal Jimcihii lagu tuuray dhul Isra'iil maamusho.

Arrintan ayaa sii xoojinaysa rabshadaha ka socda magalada Qudus taasi oo ka dhalatay masaajidka Al-Aqsa oo ciidamada Yuhuudu galeen.

Israa’iil waxay sheegtay in diyaaradeheeda dagaalka duqeeyeen laba meel oo hub u yaalay ururka Xamaas.

Ra'iisul wasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu, waxa uu amray in boqollaal askeri oo kormeerayaal ah loo diro dalka Falastiin si loo soo celiyo amniga iyo kala dambaynta Qudus.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry ayaa la hadlay hogaamiyayaasha labada dhinac  Netanyahu iyo Maxamud Cabbaas, si uu ugu muujiyo walaaca ka qabaan qalalaasaha sii huraya.

GAROWEONOLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM