Isra'iil oo duqayn ka gaysatay marinka Gaza

Image

30 September, 2015(GO)-Diyaaradaha dagaalka Isra'iil ayaa saaka duqayn dhanka cirka ah ka gaystay marinka Gaza ee Falastiin.

Ma jirto khasaare la soo sheegayo, balse waxaa lala eegtay xarumo ururka Xamaas ku lahaayeen marinkaasi.

War ka soo baxay Isra'iil ayaa lagu sheegay in duqayntu jawaab u ahayd gantaal laga soo riday Gaza, balse ay sheegeen in xawada lagu bur-buriyay.

Ururka Xamaas ayaa dhankooda shaaciyay inay ka baxeen xarumaha la weeraray, maadama ay ka warhayeen inay duqayn uga imaanka karto Isra'il gantaal lagu riday awgii.

Ilaa hadda cidna ma sheegan gantaalka laga soo riday marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Falkan ayaa imaanaya xilli maanta la filayo in calanka Falastiin la suro afaafka hore ee xarunta Qaramada Midoobay markii September 11, 2015 cod loo qaaday ka mid ahaanshaha kuwa suran xarunta Jamaciyadda Quruumaha ka dhacaysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM