Israa’iil iyo Xamaas oo ku dhow in ay isla qaataan Xabbad joojin

Image

WASHINGTON (GO) - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in horumar laga gaaray dadaallada lagu doonaayo in lagu dhawaaqo xabbad joojin bini'aadannimo ee dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas.

Markii la weydiiyay in wax horumar ah laga sameeyay arrinta, Biden wuxuu ku jawaabay "haa", balse ma uusan bixin wax tafaasiil ah oo kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa Horaantii Sabtidii u sheegay warfidiyeenada in xabbad joojinta bini'aadantinimo ay gacan ka geysan doonto ilaalinta rayidka iyo in gargaar la gaarsiiyo marinka Qaza ee go'doonsan.

Blinken ayaa ku booriyay Israa'iil inay qaadato xabbad joojin bini'aadannimo, iyada oo ay wali socoto duqeymaha xooggan oo horseeday dhimashada kumanaan Falastiiniyiin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM