Israa'iil oo 3,900€ todobaadkii siinayso qof kasta oo ku biiro ciidankooda

Image

QASA (GO) - Dagaalyahan u dhashay dalka Spain lagu magacaabo Pedro Diaz Flores ayaa daaha ka qaaday in sababta oo ugu biiray ciidanka Israa’iil ay tahay lacagta aadka u badan ay bixiyaan.

Askariga ayaa si faahfaahsan u sharaxay xaaladaha uu ku nool yahay marka loo eego dagaalka socda ee ka dhanka ah Xamaas, wuxuuna qirtay inay “wanaagsan yihiin”.

Wuxuu yiri: "Waxaan u imid lacag waana ka helay, qalab fiican waa ay bixiyaan, shaqaduna waa degantahay, mushaharku waa 3,900 oo Yuuro todobaadkii."

Waxa uu intaa ku daray: "Shaqadaydu waa inaan ilaaliyo guwaarida hubka u sida Israa’iil oo kaliya."

Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa galay maalintii soddonaad, iyadoo ay sii socdaan duqeymaha ay Israa’iil ka geysanayso deegaanno kala duwan oo ka tirsan Marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM