Israa’iil oo beegsan doonto hogaamiyayaasha XMS ee ku nool dibadda Qasa

Image
Netanyahu ayaa si maldahan u soo hadal qaaday qorshaha Israa’iil ee dilalka qorsheysan.

QASA (GO) - Madaxa Hay'adda Ammaanka Gudaha ee Israa'iil (Shin Bet), Ronen Bar, ayaa sheegay Axaddii, in Israa'iil ay baacsan doonto xubnaha ururka Xamaas ee ku sugan Qatar, Turkiga iyo Lubnaan, xitaa haddii ay sanado ku qaadato, sida uu hadalka u dhigay.

Wargeyska Mareykanka ee "The Wall Street Journal" ayaa daabacay Jimcihii warbixin muujineysa qorshaha Israel ay ku dili doonto hogaamiyayaasha Xamaas ee caalamka ku sugan, marka uu dhamaado dagaalka ay ka wado Marinka Qasa.

Wargeyska ayaa ka soo xigtay mas'uuliyiinta Israa'iil, in Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu amar ku siiyay hay'adaha sirdoonka inay horumariyaan qorshayaal lagu dilayo hoggaamiyeyaasha sare ee Xamaas ee ku nool meel ka baxsan Qasa.

Netanyahu ayaa si maldahan u soo hadal qaaday qorshaha Israa’iil ee dilalka qorsheysan ee ay ka geysaneyso dibadda, taas oo ka careysiisay qaar ka mid ah kuwa doorbiday in ay la qariyo qorshahaan, sida uu sheegay wargeyska.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM