Israa'iil oo dishay 8,800 caruur Falastiini ah 82 casho gudaheeda

Image
Xafiiska warbaahinta Gaza ayaa sheegay in Israa'iil ay sii wado duqeymaha aan loo meel-dayin.

DOOXA, Qadar - Israa'iil ayaa waxay dishay 8,800 oo caruur ah oo ay weheliyaan 6,300 oo haween ah tan iyo markii duulaanka militari ee ay ku qaadeen magaaladda Gaza 7-dii October sanadkan 2023.

Xafiiska warbaahinta Gaza ayaa sheegay in Israa'iil ay sii wado duqeymaha aan loo meel-dayin ee dhanka cirka ah cirka iyo duqeymaha ah ee dhulka ay xoogga ku haysato ee Falastiiniyiinta.

"Tirada Falastiiniyiinta ah ee la dilay ee la keenay isbitaallada ku yaala Gaza tan iyo bilowgii dagaalka ay gaartay 21,110," ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalka xafiiska warfaafinta

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Waxaan oo dhan waxay ku dhaceen 82 maalmood oo uu socday dagaalka guud ee xasuuqa ah, ciidamada Israa'iil waxay geysteen 1,779 xasuuq, taasoo keentay in 28,110 shahiid ah iyo shakhsiyaad la la'yahay".

Dhanka kale, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa shaaca ka dhigay in dadka deggan Gaza ay ku jiraan "xaalad halis ba'an" ka dib in ka badan 11 toddobaad oo dagaal Israa'iil ah.

Tani ayaa ka dambeysay weerarkii Hamas ku qaadey Israa'iil Oktoobar 7-dii. Duulaankaas waxaa loogu magacdaray "Duufaanta Qasa". Inkasta oo tiro ka badan jiri karto, waxaa la dilay in ka badan 1,000 Israa'iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ansixiyay heshiis taariikhi ah oo Sacuudiga u oggolaanaya inuu yeesho barnaamij nukliyeer

Heshiiska cusub, ayaa la filayaa in loo gudbiyo Kongareeska Mareykanka si dib u eegis loogu sameeyo.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 11:00AM

Dagaalka Iran oo Mareykanka ku kacay $37.5 bilyan, Pentagon-ka oo dalbaday lacag dheeraad ah

Qiyaastii $67 bilyan oo ka mid ah lacagtaas ayaa loogu talagalay howlgalada militariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu sheegay madaxa Pentagon-ka.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 09:30AM