Israa'iil oo duqeyn ay ka geysatay Beirut ku dishay ku xigeenka madaxa Xamaas

Image
Duqeynta Israa'iil ayaa waxaa ku dhintay tiro dad ah.

BEIRUT (GO) - Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil la beegsatay xarunta Xamaas ee ku leedahay duleedka koonfureed ee Beyruut ayaa lagu dilay ku xigeenkii madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas Saleh Al-Arouri, sida ay ilo maxalli ah sheegeen.

Wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Lubnaan ayaa ku warantay Talaadadii in diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil leedahay ay duqaysay xafiis ay leeyihiin Xamaas oo ku yaalla duleedka koonfureed ee Beirut.

Wakaalladda Wararka Lubnaan ayaa ku warantay in “Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay beegsadeen xafiis ay Xamaas ku leeyihiin magaalada Mushrifiyah, halkaas oo ay ku dhinteen tiro dad ah, halka gaadiidka Ambalaasta ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay si ay u daabulaan dadka dhaawaca ah.

Warbaahinta Maxaliga ah ayaa baahisay muuqaal Video ah oo muujinaya burbur ka dhacay deegaanka Mushrifiyah ee duleedka koonfureed.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM