Israa’iil oo hakinayso dagaalka Qasa inta lagu guda jiro bisha Ramadaan

Image
Biden ayaa ka digay in Israel ay halis ugu jirto inay lumiso taageerada adduunka.

Qasa (GO) - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii sheegay in Israa’iil ay ogolaatay in aan dhaqdhaqaaqyo ciidan laga sameyn marinka Qasa inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Biden ayaa ka digay in Israel ay halis ugu jirto inay lumiso taageerada adduunka inteeda kale, iyadoo tirada badan ee dhimashada Falastiin ay sii kordhayso.

Biden ayaa intaa ku daray, wareysi uu siiyay NBC, in Israa'iil ay ka go'an tahay in ay awood u siiso Falastiiniyiinta inay ka baxaan Rafah ee koonfurta Qasa ka hor inta aysan xoojin ololaha ay halkaas ku burburinayaan Xamaas.

Biden waxa uu tilmaamay in mabda’ ahaan uu jiro heshiis xabad joojin ah oo u dhaxeeya labada dhinac inta lagu guda jiro sii deynta maxaabiista u xiran Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM