Israa’iil oo hal maalin gudaheeda 100 qof ku dishay Gaza

Image
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa waxa uu u codeynaya qaraar qabyo ah oo lagu joojinayo dagaalka Gaza.

DOOXA, Qadar - Weerar ay Israa’iil fulisay Gaza ayaa lagu dilay "ku dhawaad ​​100" Falastiiniyiin ah, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Geesta kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa Arbacada maanta ah waxa uu u codeynaya qaraar qabyo ah oo lagu joojinayo dagaalka Gaza.

Dhanka kale, xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Malaysia, Anwar Ibrahim, ayaa sheegay in xayiraadda degdega ah ee lagu soo rogay shirkadda maraakiibta ee ZIM ay jawaab u tahay ficillada Israel ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee Gaza.

Bayaanka oo loo qeybiyay warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in Israa’iil ay “xasuuq iyo naxariis darro” ku hayso Falastiiniyiinta.

Isla mar ahaantaana, Malaysiya ayaa sheegtay in ay sidoo kale go'aansatay in aysan aqbalin in maraakiib ka babanaya calanka Israel ay ku soo xirtaan dalkeeda.

Intaa waxaa dheer, xukuumadda Kuala Lumput aya waxay sidoo kale ku soo rogi doontaa "mamnuucista markab kasta oo u socda Israel inuu shixnad ku soo dejiyo dekedaha Malaysia."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM