Israa’iil oo iska diidday shuruudaha XMS ee heshiiska xabbad joojinta

Image
Quwadaha gobolka ayaa ka shaqaynaya sidii ay u dejin lahaayeen heshiis lagu joojinayo dagaalka Qasa

Qasa (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta xaqiijiyay in Xamaas ay ku xirtay sii daynta maxaabiista shuruudo adag oo aan la aqbali karin sida uu hadalka u dhigay.

Netanyahu waxa uu carabka ku adkeeyay in shuruudaha ay noqdaan kuwoo la mid ah heshiiskii hore, kaas oo labada dhinac ay isku dhaafsadeen maxaabiista bishii November ee la soo dhaafay.

Quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ayaa ka shaqaynaya sidii ay u dejin lahaayeen heshiis lagu joojinayo dagaalka Qasa muddo toddobaadyo ah iyo in la sameeyo heshiis la isku dhaafsado maxaabiista labada dhinac.

Heshiiskan oo ay warbaahintu aad u hadal hayso ayaa waxaa ka mid ah in la sii daayo carruur, haween, iyo dhaawacyo Israa’iiliyiin ah oo ay Xamaas afduubatay, taas beddelkeedana la sii daayo maxaabiis badan oo falastiiniyiin ah iyo in gargaar loo ogolaado marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM