Israa'iil oo kordhisay xasuuqa ay ka geysaneyso dhulka Gaza

Image
Madaafiicda Yahuuda oo ku habsadey goob joogeen rayid ayaa halmar galaaftey 20 ruux.

DOOXA, Qadar - Israa'iil ayaa duqeysay guri ay ku noolaayeen hal qoys oo ku yaal xaafadda Sabra ee Gaza ee go'doonsan, halkaas oo ay ku dishay in ka badan 12 Falastiiniyiin ah, qaar kalena waa ay dhaawacday, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee WAFA.

"Diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil waxay sidoo kale weerar ku qaadeen xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Qaza," WAFA ayaa sheegtay.

Warbixinta WAFA ayaa intaas ku dartey: "Duqeynta Israa’iil ayaa la sheegay in lala beegsaday guri ku yaalla xaafadda Sabra, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof oo rayid ah, tiro kalena ay ku dhaawacmeen".

Iyadda soo xiganaysa ilo-wareedyada, WAFA waxay sheegtay in madaafiicda Israa’iil ay si lamid ah beegsadeen agagaarka dhismo la deggan yahay oo ku yaalla Khan Younis, ee koonfurta.

Xasuuqa ay Yahuuda ka geysanayaan dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo dhowaan Maxkamadda ICJ ay ugu baaqdey Israa'iil in ay joojiso beegsiga dadka rayidka ah ayna u hogaansanto shuruucda caalamiga ah iyo kuwa dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 02:57PM

Iran Oo Weerar Gantaal Ku Qaadday Xarunta Sirdoonka Israel ee Mossad

Muuqaalladii hore ayaa sidoo kale muujinayay gantaal difaac cirka Israa’iil oo ku dhacay Tel Aviv intii ay socotay isweydaarsiga rasaasta.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 11:33AM