Israa'iil oo kordhisay xasuuqa ay ka geysaneyso dhulka Gaza

Image
Madaafiicda Yahuuda oo ku habsadey goob joogeen rayid ayaa halmar galaaftey 20 ruux.

DOOXA, Qadar - Israa'iil ayaa duqeysay guri ay ku noolaayeen hal qoys oo ku yaal xaafadda Sabra ee Gaza ee go'doonsan, halkaas oo ay ku dishay in ka badan 12 Falastiiniyiin ah, qaar kalena waa ay dhaawacday, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee WAFA.

"Diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil waxay sidoo kale weerar ku qaadeen xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Qaza," WAFA ayaa sheegtay.

Warbixinta WAFA ayaa intaas ku dartey: "Duqeynta Israa’iil ayaa la sheegay in lala beegsaday guri ku yaalla xaafadda Sabra, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof oo rayid ah, tiro kalena ay ku dhaawacmeen".

Iyadda soo xiganaysa ilo-wareedyada, WAFA waxay sheegtay in madaafiicda Israa’iil ay si lamid ah beegsadeen agagaarka dhismo la deggan yahay oo ku yaalla Khan Younis, ee koonfurta.

Xasuuqa ay Yahuuda ka geysanayaan dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo dhowaan Maxkamadda ICJ ay ugu baaqdey Israa'iil in ay joojiso beegsiga dadka rayidka ah ayna u hogaansanto shuruucda caalamiga ah iyo kuwa dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ansixiyay heshiis taariikhi ah oo Sacuudiga u oggolaanaya inuu yeesho barnaamij nukliyeer

Heshiiska cusub, ayaa la filayaa in loo gudbiyo Kongareeska Mareykanka si dib u eegis loogu sameeyo.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 11:00AM

Dagaalka Iran oo Mareykanka ku kacay $37.5 bilyan, Pentagon-ka oo dalbaday lacag dheeraad ah

Qiyaastii $67 bilyan oo ka mid ah lacagtaas ayaa loogu talagalay howlgalada militariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu sheegay madaxa Pentagon-ka.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 09:30AM