Israa'iil oo ku hanjabtay in dagaalka Gaza soconayo 2024-ka dhan

Image
In ka badan 21,800 oo qof ayaa lagu dilay gudaha marinka Gaza kaliya 11 todobaad gudahooda.

DOOXA, Qadar - Milatariga Israel oo bayaan cusub faafiyay ayaa shaaca waxa uu ka dhigay inay rajeynayaan in colaadda Gaza ay sii socon doonto inta lagu jiro sanadka 2024 oo dhan.

Afhayeenka ciidamada Israa'iil, Daniel Hagari oo jeediyay wax uu ku sheegay fariinta sanadka cusub, ayaa ku sheegay in ciidamada la kala saarayo si loogu diyaariyo "dagaal daba dheeraaday".

Hagari oo kasoo muuqdey baraha bulshadda ayaa wuxuu sheegay in ciidamada qaar - gaar ahaan kuwa badbaadada ah - la soo celin doono si loogu oggolaado inay dib u soo urursadaan.

"La qabsashadan waxaa loogu talo galay in lagu xaqiijiyo qorsheynta iyo diyaargarowga si loo sii wado dagaalka inta lagu guda jiro guud ahaan sanadka 2024-ka," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "IDF-ka waa inay qorsheyneysaa ka hor is-fahamka ah in ay jiri doonaan howlgallo dheeraad ah, sanadka intiisa kalena uu socon doono dagaalka".

Hagari ayaa xusay in qaar ka mid ah kayd-celiyeyaal ay ka tegayaan Gasa "sida ugu dhakhsaha badan asbuucan" si ay ugu oggolaadaan inay "dib u xoojiyaan dib-u-howlgalinta ka hor hawlgallada soo socda".

In ka badan 21,800 oo qof ayaa lagu dilay gudaha marinka Gaza – oo u badan carruur iyo haween - intii ay socdeen 11 toddobaad oo ay dagaallo socdeen, sida ay sheegtay Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM