Israa'iil oo ogolaatay dib-u-bilaabida is-dhaafsiga maxaabiista

Image
Warbaahinta Israa'iil ayaa ku warramaysa in madaxa hay'adda sirdoonka ee Mossad ayaa la sheegay inuu helay fasax.

DOOXA, Qadar - Warbaahinta Israa'iil ayaa ku warramaysa in madaxa hay'adda sirdoonka ee Mossad uu helay fasax si uu dib u bilaabo wada xaajoodka is-dhaafsiga maxaabiista.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in David Barnea uu u safrayo Yurub labada maalmood ee soo socota si uu ula kulmo ra'iisul wasaaraha Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani markii labaad muddo toddobaad gudihiis ah. Al Thani ayaa sidoo kale ah wasiirka arrimaha dibadda Qatar.

Barnea ayaa ku soo laabtay Israel dhowr maalmood ka hor ka dib markii uu la kulmay Al Thani si uu ugala hadlo dib u bilaabista wadahadalada, sidda ay warbixinada muujinayaan.

Waxaa jiray calaamado hore oo muujinayay in Netanyahu uu ka horjoogsaday madaxa Mossad inuu dib u bilaabo wadahadaladan, isagoo sheegay in cadaadiska militarigu uu yahay habka kaliya ee lagu soo celin karo maxaabiista.

Mar wax laga weydiiyey arrintaas shir jaraa’id oo uu qabtay Sabtidii lasoo dhaafay, Netanyahu wuu iska diiday su’aasha. Tani waxay sii xoojisay tuhunka jiray.

Laakiin ka dib markii saddexdaas maxbuus ee Israa'iil ay dileen millatariga Israa'iil, waxaa jiray cadaadis kordhay oo ah in dib loo bilaabo wadahadalka si loosoo daayo maxaabiista.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM