Israa'iil oo qaadday tallaabo ka dhan ah QM ka dib hadalo ka soo yeeeray Guterres

Image

QASA - Ergayga Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, ayaa shaaca ka qaaday in Israa’iil ay diidi doonto inay fiisaha dal-ku-galka siiso mas’uuliyiinta hay’adda caalamiga ah, ka dib hadallo dhawaan ka soo yeeray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Dublamaasiga Israa’iil ayaa u arkay hadalada Guterres inay u muuqdeen kuwo qiil uga dhigaya weerarka Xamaas ee Israel.

Erdan ayaa Arbacadii u sheegay Raadiyaha Ciidanka Israa'iil: "Hadaladiisa dartood, waxaan diidi doonnaa inaan dal-kugal siino wakiillada Qaramada Midoobay”

Guterres ayaa horey u sheegay in weerarada Xamaas ee Israa’iil ay ka dambeeyeen sababo dhowr ah una baahan in wax laga qabto.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa yiri, "Falastiiniyiinta waxaa lagu hayay cabudhin muddo 56 sano ah."

Guterres ayaa cambaareyay ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee Israa’iil ka waddo Qasa, kuna baaqay xabbad-joojin degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM