Israa'iil oo sheegtay in ay dhawaan baabi'in doonto guutadii ugu dambeysay ee XMS

Image
Dagaallada u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Qasa ayaa socda maalintii 122-aa.

Qasa (GO) - Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Galant ayaa ku andacooday in Guutadii ugu dambeysay ee Xamaas ee ku haray Khan Yuunis dhawaan lasoo afjari doono, isagoo xusay in “bartilmaameedka” xiga ee Israa’iil uu yahay aagga Rafax ee xadka Masar.

Gallant ayaa ku sheegay Shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta Wasaaradda Difaaca, "Bartilmaameedka xiga waa Rafah. Hoggaanka Hamas iyo Sinwar (Yahya Sinwar, madaxa dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Marinka Qasa) ayaa ku dhuumaaleysanaya”.

Galant ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin meel ay Xamaas ku dhuuman karaan, oo ay ka mid tahay Rafah, isaga oo ku andacoonaya in ciidanka Israa'iil ay burburiyeen in ka badan kala bar ciidamada Xamaas.

Wasiirka difaaca Israa’iil waxa uu intaa ku daray in sii socoshada duulaanka Israa’iil, uu horseedi doono soo celinta maxaabiista u afduuban Xamaas.

Dagaallada u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Qasa ayaa socda maalintii 122-aad, iyadoo ay jiraan dadaalo lagu gaarayo heshiis cusub oo ku saabsan sii deynta maxaabiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 02:57PM

Iran Oo Weerar Gantaal Ku Qaadday Xarunta Sirdoonka Israel ee Mossad

Muuqaalladii hore ayaa sidoo kale muujinayay gantaal difaac cirka Israa’iil oo ku dhacay Tel Aviv intii ay socotay isweydaarsiga rasaasta.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 11:33AM