Israa’il oo la xaqiijiyay inay jawaab ka bixin doonto weerarkii Iran

Image
Madaxweynaha Maraykanka ayaa wado dadaal lagu baajinayo weerarkaas.

Washington (GO) - Wargeyska The Wall Street Journal ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa kasoo xigtay 3 sarkaal oo ka tirsan maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in Israel laga yaabo inay jawaab ka bixiso weerarkii Iran, maanta oo Isniin ah.

Ilaha wargayska ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanku uu isku dayay, mar uu wada hadal la lahaa ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, in uu ka dhaadhiciyo Israa’iil in aysan ku degdegin weerar celis.

Saraakiishan ayaa ku nuuxnuuxsaday in Maraykanku aanu ka qayb qaadan doonin weerar kasta oo ka dhan ah Iran, isla markaana ka shaqayn doono sidii ay xulafadiisa ula samaysan lahaa aragti diblomaasiyadeed oo midaysan, si looga hortago in colaaddu ku baahdo gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM