Israel oo dalkeeda ka mamnuucdey madaxweynaha Brazil

Image
Luiz Inácio Lula da Silva ayaa sheegay in Yahuuda ay Gaza ka waddo xasuuq ba'an.

MUQDISHO, Soomaaliya - Israel ayaa cambaareysay Madaxweynaha dalka Brazil kadib markii uu ku eedeeyay Israel inay gumaad ka wado Gaza, isagoo isbarbardhigay falkaas iyo xasuuqii loo geystay Yahuuda ee Holocaust-kii.

Luiz Inácio Lula da Silva oo ah hogaamiyaha Brazil ayaa sheegay in ololaha milatari ee Israel uu yahay dagaal ka dhexeeya “ciidan si weyn u diyaarsan iyo haween iyo caruur”.

Balse, wasiirka arrimaha dibadda ee Israel ayaa ku tilmaamay hadallada Lula inay yihiin "kuwo naceyb ah", wuxuuna sheegay in aan laga soo dhaweyn doonin Israel ilaa uu ka noqdo hadalladaas.

Dhanka kale, ururka ugu weyn Yuhuudda ee ka jira gudaha wadanka Brazil ayaa sidoo kale waxa uu si kulul u dhaleeceeyay hadallada kasoo yeeray madaxwayne Lula.

Isagoo ka hadlayay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacay Itoobiya, Lula ayaa yiri: “Waxa ka dhacaya Marinka Gaza ee dadka Falastiiniyiinta ah lama barbar dhigi karo waqtiyo taariikhi kale".

Wuxuu raaciyay: "Dhab ahaantii, taasi way jirtay markii Hitler go’aansaday inuu dilo Yuhuudda. Ma aha dagaal u dhexeeya askar iyo askar. Waa dagaal u dhexeeya ciidan si weyn u tababaran iyo haween iyo caruur".

Siyaasiga bidixda fog ayaa cambaareeyay Hamas kadib markii dagaalameyaasheeda ay dileen ugu yaraan 1,200 qof ayna afduubteen 253 qof kadib weerar lama filaan ah oo ay ku qaadeen Israel 7-dii Oktoobar.

Si kastaba, wuxuu si weyn u dhaleeceeyay ololaha milatari ee jawaabta ah ee Israel, kaas oo wasaaradda caafimaadka ee ay maamulaan Hamas ee Gaza ay sheegtay inuu dilay in ka badan 28,800 oo qof, inta badan haween iyo caruur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM