Israel oo dalkeeda ka mamnuucdey madaxweynaha Brazil

Image
Luiz Inácio Lula da Silva ayaa sheegay in Yahuuda ay Gaza ka waddo xasuuq ba'an.

MUQDISHO, Soomaaliya - Israel ayaa cambaareysay Madaxweynaha dalka Brazil kadib markii uu ku eedeeyay Israel inay gumaad ka wado Gaza, isagoo isbarbardhigay falkaas iyo xasuuqii loo geystay Yahuuda ee Holocaust-kii.

Luiz Inácio Lula da Silva oo ah hogaamiyaha Brazil ayaa sheegay in ololaha milatari ee Israel uu yahay dagaal ka dhexeeya “ciidan si weyn u diyaarsan iyo haween iyo caruur”.

Balse, wasiirka arrimaha dibadda ee Israel ayaa ku tilmaamay hadallada Lula inay yihiin "kuwo naceyb ah", wuxuuna sheegay in aan laga soo dhaweyn doonin Israel ilaa uu ka noqdo hadalladaas.

Dhanka kale, ururka ugu weyn Yuhuudda ee ka jira gudaha wadanka Brazil ayaa sidoo kale waxa uu si kulul u dhaleeceeyay hadallada kasoo yeeray madaxwayne Lula.

Isagoo ka hadlayay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacay Itoobiya, Lula ayaa yiri: “Waxa ka dhacaya Marinka Gaza ee dadka Falastiiniyiinta ah lama barbar dhigi karo waqtiyo taariikhi kale".

Wuxuu raaciyay: "Dhab ahaantii, taasi way jirtay markii Hitler go’aansaday inuu dilo Yuhuudda. Ma aha dagaal u dhexeeya askar iyo askar. Waa dagaal u dhexeeya ciidan si weyn u tababaran iyo haween iyo caruur".

Siyaasiga bidixda fog ayaa cambaareeyay Hamas kadib markii dagaalameyaasheeda ay dileen ugu yaraan 1,200 qof ayna afduubteen 253 qof kadib weerar lama filaan ah oo ay ku qaadeen Israel 7-dii Oktoobar.

Si kastaba, wuxuu si weyn u dhaleeceeyay ololaha milatari ee jawaabta ah ee Israel, kaas oo wasaaradda caafimaadka ee ay maamulaan Hamas ee Gaza ay sheegtay inuu dilay in ka badan 28,800 oo qof, inta badan haween iyo caruur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM